Dowlada Puntland oo amar ka soo saartay shaqaalaha Ajaaniibta ee ka howlgala deeganadooda

Reading Time: < 1 minute

Qoraal ay soo saaratay  Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Puntland ayaa lagu amray in dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala degaaamada Puntland inay soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda ajnebiga ah ee ka howlgala Puntland.

Amarkan oo ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa ujeedka dikreetadan waxaa lagu sheegay inay tahay si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada waddanka iyo arrimaha ka dhalan kara loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu amray hay’adaha in hay’addahu ayan keensan karin shaqaale Ajnebi ah, iyaga oo aanan si sharci ah u soo marin Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha Maamulka Puntland.

Intii uu talada la wareegay madaxweyne Saciid Deni waxa ka socda Puntland isbadalo taabanaya dhinacyo badan kuwaas oo saameyn ku yeeshan geedi socodka hogaanka iyo horumarka Puntland.

Sanadihii u dambeeyay, waxaa degaamada Puntland ku soo qulqulayay shaqaale tiro badan oo ajnebi ah oo Muruqmaal ah kuwasoo intooda badan ka yimaada wadamada Hindiya, Bangaladhaysh iyo wadamo kale. shaqaalaha intooda badan waxay ka shaqeeyeen dhismayaasha, qurxinta iyo hoteelada lagu cunteeyo.