Dowlada Puntland amarro culus dul dhigtay dhaqaaqyada siyaasadeed ee Boosaaso.

Reading Time: < 1 minute

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saaray amarro culus oo ka dhan ah dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay guddiga nabad gelyada gobolka Bari ayaa lagu mamnuucay qabashada shirarka siyaasadeed ee ka dhaca hoteelada magaalada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in cidii shir siyaasadeed qabsaneysa ay warqad codsi ah ka heysato guddiga nabad gelyada gobolka Bari oo uu gudoomiye u yahay C/risaaq Cali Siciid.

Saraakiisha booliska gobolka ayaa iyaguna lagu amray iney fuliyaan awaamirtan, waxaana dadka shirark qabsanaya la faray in 24 saac kahor ay warqada fasaxa heystaan.

puntland oo soo saartay amarro ka dhan ah dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee boosaaso.