Beesha Caalamka oo soo afjartay Khilaafkii Al Sunna

Reading Time: < 1 minute

Ka  dib markii dowlada Fedaraalka ay ay ku fashilantay xal ka gaarista qilaafka siyaasadeed ee ka dhashay maamul u sameeynta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa khilaafka soo dhex galay beesha caalamka oo in mudo ah ku mashquulsanayd sidii xal looga gaari lahaa qilaafkaas

Beesha  Caalamka ayaa gebi ahaanba soo afray Khilaafkii Dowlada iyo kan Maamulka Al Sunna u dhexeeyay.

qoraal  ka soo baxday Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaalia ayaa waxaa lagu sheegay in gebi ahaanba lasoo afjaray Khilaafkii Ahlusunna lagana qanciyay tabashooyinkii Ahlusunna ayqabeen.

Qoraalkaas  ayaa waxaa  kaloo lagu sheegay in Maamulka Ahlusunna lasiiyay 20 Xildhibaaan oo kamid noqondoono 89 xubnood oo uu ka koobnaandoona Baarlamaanka cusub Galmudug.

Safiirka dalka Maraykanka u fadhiya  Soomaaliya Amb. Yamamoto ayaa saakay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku bogaadiyay Al Sunna ogolaashaha ay ogolaatay heshiiska ay  dhex dhexaadiyeen beesha caalamka.

Dowlada Farmaajo ayaa lagu qasbay in ay joojiso faragalinta joogtada ah oo ay ku hayaan dowlad Goboleedka Galmudug. Sidoo kale Al Sunna ayaa loo balan qaday in 50% maamulka la soo disi doono ay iyada wax ku lahaato.

Halkaan ka aqriso qoraalka 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!