Si maamulka loo toosiyo waxaa loo baahan yahay dowladda inay qaado tallaabooyin waxa badan looga badalayo hab dhaqanno la dhaxlay oo dhammaantood keenaya dhaawac maamul iyo dib u dhac mid kale sii dhala.
Waxaa jira xubno ajaanib ah oo intay mashruuc soo qaataan la yimaada dalka kadibna u dhaqma sidii inay yihiin awoodo madax bannaan oo toos ula xiriira hay’ado ay soo calaamadsadeen iyo madaxda hay’adahaas oo ka qeyb gala hawshaas fulinteeda. Habdhaqankan waxaa laga dhaxlay dowladdii Farmajo oo kooxo kala duwan ay midba gaarkeeda u shaqeysan jirtay, taas oo keentay isku dhexyaac maamul oo aan wax dan ah dalka ugu jirin, isla markaana kharribtay aragtida iyo hawlagallada dowladnimo oo ah kateenad is wada saameysa oo haddii meel laga khariibo ay kharribaadaas u gudbeyso hay’ado kale ilaa ay isla dumaan waxa oo dhan.
Haddaba si waxaan loo saxo dowladdaan waxaa laga rabaa inay qaaddo tallaabooyinkaan, haddii aysan rabin inay marto jidkii dowladii ka horreysay:
1. In aan hay’ad ajnabi ah dalka iska iman Karin oo aysan shirar qaban karin mashruuc ay iyada iska wadatona dhaqaajin Karin, iyadoo aan la fadhiisan wasaaradda ama xafiiska shaqada ku leh si loo hubiyo inay waafaqsan yihiin sharuucda iyo baahiyaha dalka.
2. In madaxda sida wasiir ama agaasime uusan ka qeyb gali Karin mashruuc iyo shir ay koox ama shakhsi ajnabi ah uu iska wato oo aan soo marin habraacii dowladda kana iman xafiisyada sare ee haga siyaasadda dhaqan dhaqaale iyo maamul ee dalka.
Sidoo kale waxaa weli jira hadhaqan kale oo laga dhaxlay Xasan Cali Kheyre kaas oo isagana mid aan dalka iyo inay hay’adaha curmyaamin jiray. Waxaa xafiiskiisa ka jiray intaas oo guddi oo qaban jairy hawlahii wasaaradaha, kana dhigi jiray wasaaradihii iyo hay’adihii kale kuwo si dedban hawlgab u noqda. Waayo haqada waxaa jeebka gadaale ku haysan jiray kheyre iyo guddi uu isaga sameystay .
Haddaba dowladda waa inay ka hawlgashaa in wasaaradaha loo madaxbanneeyo hawshooda oo lagula xisaabtammo wax qabad. Wasiirkii ama wasaaraddii ka soo bixi weyda hawsheeda laga qaado tallaabada ku haboon, iyadoo mar waliba la eegayo cidda eedda iska leh sida inay eedda ka timid hogaanxumo oo masuuliyadeeda uu yeelanayo wasiiraka iyo agaasinka guud , halka fulin la’aanta ay halkaas hoos uga dagi karto oo saameyn karo agaasimayaasha waaxyaha iyo maamulka hoose.
Isku soo duub si dalka xaaladdaan looga saaro waa inay dowlada la dagaashaa:
1. Maamulxumo ku dhisan aqoonyari iyo awood yari oo shaqada loo diraa qof u diyaarsan oo haddana raba inuu isbadal sameeyo ee aan dad gaar ah lagu naasnuujin iyagoon wax qaban Karin.
2. Musumaasuq oo aan ku koobneyn dhaqaalaha kaliya ee la eega sida in shaqaalaha ay yihiin kuwa u carbisan hawsha loo dirayo, lagu qaatay kartidooda iyo aqoontooda.
3. Daahfurnaan dhamaan hawlaha dowladda ay dadka u qabto gaar ahaan kuwooda maamul si dadka u dareemaan inay waxan yihiin waxooda madaxduna yihiin adeegayaal muddo kooban joogaya.
WQ. Cabdi M Xagar.
Fikradda Qoraalkan waxaa iska leh qofkii qoray.