Dowlada MW Ruto ee Kenya oo dib u fureysa iskuullo u xirmay-amni-darro-darteed

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in dib loo furi doonto iskuullada ku yaalla meelaha ay ka dhaceen fal-dambiyeedyada burcadda ee uu ka mid yahay gobolka West Pokot.

Sida ay tebisay warbaahinta dalkaasi oo soo xiganaysa wasiirka wasaaraddaasi Kithure Kindiki tallaabadaan ayaa looga gol leeyahay in la horumariyo waxbarashad dalka Kenya oo meelo kamid ah ay hoos u dhacday sanadihii ugu dambeeyay.

Goobaha ugu daran ee Iskuulada ka xirmeen ayaa waxaa kamid ah degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Kooxda Al-Shabaab ee la dagaalanta Soomaaliya.