Dowlada maraykanka oo Soomaaliya ku cadaadineysa xalinta khilaafka kala dhaxeeyo Kenya

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Mareykanka ayaa soo faragelisay xiisada u dhexeeysa dowladaha deriska ee Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo uu Mareykanka doonayo in hoos loo xaliyo.

Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo cadaadis xoogan ku saarayo in si hoos loo dhigo xiisada u dhexeeysa labada dowladood.

Sidoo kale kulankii khadka Teleefoonka ahaa ee maalin kahor dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta uu yimid kadib markii Mareykanka uu soo farageliyay xiisada labad dhinac, waxaa sidaas qoray Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Magaalada Nairobi.

Wargeyska The Nation waxaa kaloo uu qoray in Madaxweyne Farmaajo uu Uhuru ka Codsaday in xiisada labada dowladood si hoos loo xalinayo, In kastoo arrintaas Kenya aysan war rasmi ah kasoo saarin.

Kulankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale ka dambeeyay, kadib markii dowladda Kenya ay eedeeyn u jeedisay dowladda Soomaaliya, taasi oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay dhulkeeda.

Qoraal ah oo lagu daabacay Bogga Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda dalka.

Si kastaba xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland  ayaa taagan Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan meel ku dhow Magaalada Mandheera, waxaana halkaas ku sugan Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ah.