Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta laga fuliyay buuraleyda Golis ee gobolka Bari ayna ku dhinteen saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
Militariga Maraykanka ayaa ku sheegay qoraalkooda in ay saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen duqeyn ay shalay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.
Dhanka kale dowlada Maraykanka ayaa sheegatay in aan dad rayid ah wax khasaare ah ka soo gaarin duqeynta halkaasi ka dhacday balse wixii macluumaad dheeriya daabici doonaan wakhtiga ku habboon.
Militariga Maraykanka ayaa sannadkan kordhiyay duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad ee gobolka Bari (Puntland).
Ma jirto cid xaqiijin kartaa dadka ay ku dileen ciidamada Maraykanka dalka Soomaaliya gudahiisa. Dowlada Farmaajo ayaa dowalada Maraykanka waxa ay siisay fasax ay qofkii ay doonaan ku dili karaan dalka Soomaaliya iyada oo ayan jirin doonin dabagal ay samayso dowlada Soomaaliya.