Dowlada Koofur Kalbeed oo shaacisay liiska kuraas 7 ah

Reading Time: < 1 minute

Guddiga maamulka doorashada Koofur galbeed ayaa shaaciyay liiska kuraas 7- ah oo ka harsaneyd guud ahaan doorashadii golaha shacabka ay qabteen, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Guddiga ayaa ku war geliyay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal  ee FEIT liiska kuraasta baarlamaanka golaha shacabka oo deegaan doorashadoodu magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in ay qorsheenayaan in doorashada kuraastaan ay qabtaan todobaadkaan, kuwaas oo tirsigoodu yahay;

Hop#181, Hop#204, Hop#197, Hop#179, Hop#172, Hop#164 iyo Hop#064.