Dowlada Kenya oo xukuntay dadkii ka danbeeyay xasuuqii Gaarisa

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda magaalladda Nairobi waxa ay shalay la soo taagay sadax qofood oo ku eedeysnaa weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen  Jaamacadda Garissa eek u taalo degaanka Soomaalida saannadkii 2015-kii, kuna geeriyoodeen 148 qof.

Francis Andayi oo ah  Garsooraha Guud ee Maxkamadda Nairobi ayaa labo ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Maxamed Cali Cabdikar iyo Xasan Aadan Xasan ku xukumay xabsi min 41-sanno, halka Eedeysanaha 3-aad oo lagu magacaabo Rashid Charles Mberesero oo u dhashay dalka Tanzania lagu xukumay Xabsi Daa’im doorkii uu ku lahaa weerarkii Jamaacadda Gaarisa.

Dhanka kale  Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay horey u sheegeen inuu Weerarkii ka dhacay Jaamacadda Garissa. Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Soomaaliya ayaa xabsi ciidan ku xukuntay Maxamed Cabdullahi Maxamed oo lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa Al-shabaab.

Maxamed ayaa ayey Makxamadda sheegtay in uu Al-shabaab ku biiray Bashiir August ee sanadkii 2018,waxaana gacanta lagu dhigay Bishii February ee sanadkan 2019ka.