Dowlada Kenya oo xirtay  nin Somali-Canadian ah oo lagu tuhmay Basaasnimo

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa maanta ka soo qabtay xaafada Nairobi’s Eastleigh estate muwaadin Soomaali  ah oo haystay dhalashada dalka Canada. Ninkaan ayaa lgu eedeyay in uu ahaa jaajuus isku dayay in  uu galo saldhiug ciidan oo ku yaalo magalaada Nairobi.

Ninkaan oo lagu sheegay magaciisa Cabdinasir Cabdule ayaa la qabtay isaga oo ku dhex jira holwo basaasnimo ah, waxa uuna sawiro ka qaadayay saldhiga ciidanka difaca dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay booliiska dalka Kenya ayaa lagu sheegay  in ciidanka amaanka ee dalka Kenya ay heleen xogo rasmi ah oo sheegaya in  ninkaas halis ku yahay ciidanka booliska.

Ninkaas ayaa markii la qabtay waxa laga helay   qalabka basaasnimada oo ay ku jiraan sawiro laga qaaday ilo muhim u ah amaanka dalka Kenya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!