Dowlada Kenya oo mamnuucday in dalka Soomaaliya laga soo qaado boorsooyin aan la wehlin

Reading Time: < 1 minute

Amar ka soo baxay dalka Kenya ayaa lagu sheegay in laga mamnuucay diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya in ay soo qaadaan boorsooyin ayan la socon dadkii lahaa.

Waaiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in aan dalka Soomaaliya laga soo qaadin boorsooyin. Waxa ay tiri “waxaa walwal nagu hayo boorsooyin aan la ogaynin cida iska leh oo la keeno dalka Kenya”.

Hadalka wasiirka ayaa ka danbeyay ka  dib markii agaasimaha xasiifka Fahad Yasin Cabdullaahi Kullane lagu qabtay shalay isaga oo lacag gaaraysa $1.7 Milyan soo galiyay dalka Kenya. Kullane ayaa inkaray ka dib markii boorsooyinkii uu isaga lahaa la qabtay.