Wararka anu heleyno aya shegaya Dolwada dowladda Kenya ay joojisay Xaflad lagu soo dhaweyn lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Xafladdaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, waxaana lagu waday in Xafladda la qabto 1: 00 Duhurnimo ee maanta kana dhici laheyd Fagaaraha Sir Cali Muslim Club oo ku yaalla Magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xayiraadii dhanka Safarka ka qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ,kasoo horay loogu amray in uusan ka bixi karin Magaalada Muqdisho.
C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa 17-kii bishii December ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay weerareen gurigiisa, waxaana halkaasi lagu dilay Ilaaladiisii, taasoo muran badan ka dhex dhalisay dowladda Soomaaliya.