Dowlada Kenya oo ka falcelisay digniinta ka soo baxday dowlada Mareykanka

Reading Time: < 1 minute

Dowladda kenya ayaa ka falcelisay digniin wadajir ah oo ay soosaareen Dowladaha Ingiriiska & Mareykanka oo la xiriirta in weeraro waxa loogu yeero ‘Argagixiso’ ay ka dhici karaan dalkaas isla markaana ay geysan karto ‘AS’.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya Korir Sing’oei ayaa Warbaahinta u sheegay in nasiib darro ay tahay digniintaas balse ka Dowlad ahaan ay xushmeynayaan suuragalnimada in weeraradaas ay maleegaan ‘AS’.

Waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay qabatay howlo muhiim ah oo la xiriira dhinaca amniga iyo kahortagga ‘AS’ sidaas oo ay tahay aanay marnaba isku dhigan doonin weerarada halista ah ee ka imaan kara ‘AS’.

“Waxaa guullo laga gaaray kahortagga weerarada kooxaha Argagixisada ah ee xiriirka la leh AlQaacida, Dabcan Ciidamadeena sirdoonka waxa ay ka shaqeynayaan sidii loo wiiqi lahaa awoodda ‘AS’, Shacabkeena waxa aan ku baraarujineynaa in ay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si ay u xoogeysato xasiloonida” Ayuu yiri Korir Sing’oei.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya ayaa dhanka kale sheegay in ‘AS’ khasaara xooggan uu ku gaaray dagaalka ka socda Gudaha Soomaaliya oo ay isu kaashadeen Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Shacabka.

War kasoo baxay Dowladaha Ingiriiska & Mareykanka ayaa lagu sheegay in waxa ay ugu yeeraan ‘Kooxaha Argagixisada’ ay weerari karaan Hoteellada, Maqaaxiyada, Safaaradaha, Saldhigyada & meelo kala duwan digniin iyo bilaa digniin.

‘AS’ ayaa Kenya weerartay dhowr sano oo u dhaxeysay 2013 illaa 2020 waxaana weeraradaas ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti, Xukuumadda Nairobi oo Ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya waxa ay sheegtay in dejisay qorshe lagu xasilinayo ammanka Dalkaas.