Dowlada Kenya oo Dajisay Qorshe Cusub oo Lagula Dagaalamo Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa tababartay Ciidamo u dhashay degaannada Gobolka Waqooyi Bari,waxaana 100 kii Askari ee ugu horreysay la geeyay Gobolka Wajeer si ay u sugaan sohdinta Soomaaliya.

Arrintan waxaa ay ka dambeysay kaddib markii Al-shabaab ay weerarro ku qaadeen Iskuullada ku yaalla Gobolka taas oo sababtay in Barayaasha Ajanabiga ah ee Gobolka ay ka baxaan degaankaas.

Ciidamadan ayaa loo bixiyay Booliska Kenydka Qaranka,waxaana ay hoostagayaan Booliska Kenya,iyaga oo ka shaqeynaya amniga degaannada waqooyi Bari.

Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in ay tababareyso Ciidamo badan oo noocaas ah si ay Al-shabaab uga ilaaliyaan goobaha waxbarashada Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari.

Inkabadan 15 Iskuu oo ku yaalla Wajeer kaliya ayaa macallimiintii ka carareen iyda oo kuwo kalena ay wal wal ka qabaan arrintaas.