Dowlada Kenya oo da’daal ugu jirto in dib loo dhigo ku dhawaaqida go’aanka ICJ

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Kenya oo da’daal ugu jirto in dib loo dhigo ku dhawaaqida go’aanka ICJ ee la xiriria Muranka badda ee u dahxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Kenya ayaana isticmalayso shaqsiyaad gudbiya rabitaankooda gaarka ah. David Matsanga, oo ah Gudomiyaha Pan African Forum oo ka shaqeeysa xalinta khilaafadka Africa ayaa warqad qoraal ah uu u diray Xoghayaha Guud ee Qm Antonio Guterres usoo jeediyay in QM ay soo faragaliso goaanka ay maxkamada ICJ ku dhawaaqi doonto 12ka October ee goanka looga garayo milkiyada muran biyeedka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

Maxkamada Caddaalada aduunka ayaa la filayaa inay 12ka bishan goaanka ay dacwada badda ee Somalia iyo Kenya u dhaxeysa ay k qaadatay.

David Matsanga ayaa sheegtay in uu yahay siyaasi khabiirna ku ah arimaha xalinta khilaafadka waxa uu sheegay in khatar weyn ay ka dhalan karto ku dhawaaqista goaanka ICJ waxaana uu sameeyn doona ayuu yiri xasiloonida iyo deganaanshiyaha geeska africa. Qaramada Midoobey ayuu ugu baaqay inay soo faragaliso dibna loo dhigo goaanka Maxkamda ICJ.