Dowlada Kenya oo cabsi ka qabta in kooxda Al Shabaab weeraro ka fuliso gudaha dalkeeda

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheega in hay’adaha amaanka Dalka Kenya ay heleen xogag la kulsoon yahay  oo sheegaya in AL-shabaab ay qorsheynayaan weerarro in ay ku qaado gudaha dalka Kenya.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha amaanka Kenya ayaa ku baaqay in la qaado howlgallo qorshaysan oo looga soo horjeedo  Kooxada AL-shabaab kuwaas oo laga fulinayo Wajeer, Gaarisa, Mandheera ilaa Lamu oo dhamaantood Soomaaliya ku dhow.

Deeganada looga cabsi qabo in Kooxda Argagaxisa AL Shabab ay weerarayaan Al-shabaab waxaa ka mid ah Sheikh Barrow, Arabia, Fino, Damasa in Lafey, Alungo, Warankara, Falama, Elrhamu iyo Garsesala oo hoostaga Mandheera. Kotulo, Mansa, Boji, Diif, Konton iyo  Khorof Harar, oo hoostaga Wajeer, sidoo kale waxaa ay sheegeen in tuulooyinka Liboi, Kulan, Hulugho, Bodhai, Boni forest, Galmagala, Amuma iyo Hamey oo hoostaga Gaarisa ay weerarro ka qorsheynaan Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa  in mudo ah dagaal kua jiraty kooxda Al Shabaab oo soo qaaday  weerarro ku laa laabtay Gobolka oo ay ku dhinteen saraakiil badan oo ka tirsan Ciidamadeeda Booliska ah.