Dowlada Kenya oo Amro culus duldhigtay Diyaaradaha kabaxa Kismaayo ee aada Magaalada Nairobi

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar cusub oo ku socda diyaaradaha sida tooska uga baxa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Amarkaan ayaa ah diyaarad kasta oo duulimaad oo si toos ah uga baxeysa Magaalada Kismaayo inay marto Magaalada Wajeer si halkaasi loogu marsiiyo baaritaan dhanka ammaanka ah.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kaddib markii 14kii Bishii la soo dhaafay Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen heshiis ay qodobadiisa ka mid ahaayeen dib u billaabidda duullimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhamaan Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo.

Agaasimaha Hay’adda duullimaadyada rayidka ee Kenya Gilbert Kibe, ayaa sheegay in dhamaan duullimaadyada aan ka baxeyn Muqdisho marayaan Wajeer taasina tahay amar ka soo baxay Uhuru Kenyatta oo ay hay’addoodu fulineyso.

Intii uu jiray Khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Kenya, diyaaradaha ka baxa Kismaayo waxaa ay si toos ah uga dagi jireen Nairobi,waxaana dowladda Kenya sheegtay in hadda laga doonayo in ay maraan Wajeer si loo baaro.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!