Dowlada Kenya oo amar ku siisay booliska in dalka la musaafuriyo dadka aan sharciga haysan (Dawo Video)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Arimaha gudaha dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa amar uu soo saaray ku sheegay in dalka si qasab ah looga musaafurinayo dadka aan haysanin warqadaha fasaxa shaqada ee ku nool dalka Kenya. Amarka ka soo baxay wasiirka ayaa waxa uu saameeynayaa dadka ku nool dalka Kenya laakiin aan haysanin waraaqada fasaxa Shaqada.

Amarka wasiirka ayaa waxa uu si gaar ah u taabanayaa  dadka Soomaalida ee ku nool dalka Kenya ee aan lahayn sharciga saxda ah. Waxaa jira ganacsato badan oo ku nool dalka Kenya oo hanti badan ku leh dalka Kenya sida guryo, ganacsiyo yar yar laakiin aan haysanin warqaaha fasaxa shaqada.

Dowlada Kenya ayaa iyada oo tixgalinaysay xaalada ay ku sugnayd Soomaaliya iyo dhibaatada haysatay dadka soomalaiyeed ee ku nool dalka kenya waxa ay u fududeeysay dadka Soomaaliyeed in ay hanti iyo ganacsi ka furtaan dalka Kenya iyada oo aan la waydiinin su’aalo badan. Taas oo keentay in Soomaalida yeeshaan ganacsiyo badan ayaga oo aan haysanin waraaqaha fasaxa shaqada.

Amarka Wasiirka ayaa waxa uu keenayaa in dad badan oo Soomaali ah oo hanti ku leh Kenya in dalka laga masaafuriyo ganacsigoodana la xiro.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=GHGYDnxVkr0[/embedyt]