Dowlada Kenya Ka Hadashay Xadgudub La Shegay In Ay Kula Kacday Dhalinyaro Badan oo Dhanka Al Shabaab Ku Biiray

Reading Time: < 1 minute

Dowlada kenya aya shegtay aya benisay wararka warbahinta dalkasi ay tabiyeen oo ku adana xarig joogta ah oo dhalinyarada ka so cararta al shabaab.
Arintaan ayaa soo ifbaxday kadib markii ay dhalinyarada Kenya ee dega magaalooyinka xeebta dhaca ay bilaaben inay ka baxsadaan howlgalladda ciidamada Kenya oo la sheegay in lagu haayo dhibaateyn iyo dil sharciga ka baxsan.

Gudoomiyaha magaalada Mombasa Evans Achoki ayaa tilmaamay in dhalinyarada kasoo laabanaysa Al-shabaab ay gacan furan kusoo dhawenayaan.

Agaasimaha machadka baaritaanada ee Haki Africa Yuusuf Abubakar ayaa shaaca ka qaaday in awood ka baxsan mida sharciga oo loo adeegsado dhalinyarada ka imaanaysa dhinaca Al-shabaab ay ku qasbi doonto dhalinyarada inay xagjiriin noqdaan.

waxa uu tusaale uso qatay wadamada Syria,Iraq,Britten iyo Spain in ay wajahayaan argagexiso balse aysan ku xadgudbin arimaha xaquuqda aadamaha waxana ay ku guuleysteen dagaalka argagexisada.
Hay’adaha xaquuqda aadamaha ayaa ku eedeyay Kenya in ay si bareer ah u daldalayso dadka abriyada ah iyadoo saraakisha Kenyaanka ay arimahaasi beeniyeen.