Dowlada Jubbaland oo markii ugu horeeysa qaadaysa cashuurta barigga

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Magaalada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo-jilic ayaa sheegay in DG Jubbaland go’aan ku gaartay in canshuur laga qaado milkiilayaasha Guryaha dhisan, dhulka bannaan, Goobaha Ganacsiga iyo in ay shatiyo qaaraan Ganacsatada.

Sababta waqtigaan kusoo beegtay in Dowladda Hoose ee Kismaayo ay diiradda saarto qaadista Canshuurta iyo bixinta Sharciga dhulka waxa uu ku tilmaamay in lagu ogaanayo milkiilayaasha iyo dadka wakiilka ah guryaha & Goobaha Ganacsiga.

“Guriga lagu ganacsanayo & qofka wax ku iibiyo waxaa laga rabaa sharciga in ay soo maraan oo ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, waxa aan caddeynayaa ruuxii aan sharci lahayn in aanay bannaaneen ku ganacsigiisa” ayuu yiri Guddoomiyaha Kismaayo.

DG Jubbaland ayaa horay u joojisay qaadista canshuurta kadib markii lacagta laga qaado goobaha Ganacsiga ay ku dhacday jeebka shaqsiyaad, maamulka ayaa go’aamiyay in la hakiyo ilaa inta nidaam loogu sameynayo.