Sida ay sheegeen Salaadiinta iyo hogaanka ciidanka SSC , Dawladda Jabuuti ay saacadihii lasoo dhaafay u soo daabuleysay maamulka Somaliland saanad milateri, si ay uga caawiso duullaanka ciidamada maamulkaas ku qaadeen xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.
Muuqaallo ay sheegeen inay hayaan salaadiinta reer Laascaanood, ayaa muujinaya in ilaa 10 kamid ah gaadiidka ciidamada Jabuuti ay kasoo daabuleen keydka hubka ciidamada ee dalkaas, saanad isugu jirta hub iyo rasaas, ay qeyb ka yihiin madaafiicda culus, kadib amar kasoo baxay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Muuqaalkan ayaa looga qaaday Kaalin Shidaal oo ku taalla Xaafadda Bal-Bala ee magaalada Jabuuti.
Waxaa kale oo la sheegayaa in Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno kamid ah qoyskiisa oo kulan la qaatay wafti ka socda Madaxweyne Biixi-ga Somaliland, ayaa isla meel dhigay in Jabuuti siiso saanad ciidan, maadama culeys dagaal oo weyn ay kala kulmayaan ciidamada deegaanka SSC.
Sahayda Milateri oo horey Jabuuti u siisay Somaliland ayaa 72-saac ee nagu soo aadan soo gaaraya Somaliland.
Dolwada Jabuuti ayaa sidoo kale u ballanqaaday maamulka Muuse Biixi in ay kala shaqeyn doonaan fududeynta culeyska ay kala kulmayaan Dublamaasiyiinta caalamka ee ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo Biixi u sheegay in uu dambiyo dagaal ku galay Laascaanood kadib wadahadal habeeno kahor ay kula yeesheen khadka taleefanka.
Hoggaamiyaha mudada dheer heysta dalka yar ee Jabuuti, ayaa dhowaan hor istaagay in Urur-gobaleedka IGAD uu go’aan adag kasoo saaro xiisada Laascaanood, ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay qorshayaal lagu hagar daameynayo bulshada SSC. Waxaa jira cadeymo muujinaya in hubka Somaliland u adeegsanayso dagaalka Laascaanood ay bixisay Jabuuti intii ay jirtay xaalada kacdoon ee bulshada magaaladaas.
Tani, waxay sii bidhaaminaysaa shakigii horey looga muujiyey in Madaxweyne Geelle si cad ugu lug leeyahay colaada gobalka Sool, mucaaradka Jabuuti ayaa dhawaan cadeeyey in Geelle cadeystay taageerida Somaliland ee dagaalkan.