Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheeegaya in ciidamada sirdoonka dowlada federalka itoobiya ay fashiliyeen weeraro ay koox argagxiiso qorshaynayeen inay ka fuliyan gudaha dalkasi. Sida la sheegayo ugu yaraan 16 rux oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Al Shabaab Iyo 17 kale oo lagu eedeyay inay katirsan yihiin kooxda Dacish ayaa la xidhay sida ay sheegen idacaada FANA oo ku hadasho afka dowlada federalka Itoobiya.
Sida ay baahisay idacaada FANA ayaa sii sheegtay in 499 Qoryo nucaa AK-47 la qabtay, sido kale waxaay sheegen inay gacanta ku dhigeen 11 Bam Gacmeed Iyo rasaas aad u farabadan waa sidey hadalka u dhigeen. Itoobiya ayaa sheegtay in ay hubka Iyo qaraxyada qabteen xili ay howlgallo fulinayeen Lakiin sirdoonka dalkaasi weli ma shaacinin halka lagu qabtay hubka Iyo eedeymayaasha la xidhay, taas oo shaki badan gelisay bulshada iyo dadka falanqayo siyaasada Itoobiya.