Dowlada Imaaraatka Carabta oo gargaar qalab caafimaad soo gaarsiisay Muqdisho

Reading Time: 2 minutes

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho u soo dirtay Diyaarad sida agab caafimaad oo loogu tala galay ka hortagga Cudurka Coronavirus, taasoo goor dhow soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan garoonka Muqdisho ayaa la wareegi doona qalabkan loogu tala galay ka hortagga cudurka Coronavirus oo ay Soomaaliya ku jirto meelaha uu saameeyay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Imaaraadkaa Carabta ay magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso ee maamulada Somaliland iyo Puntland diyaarad siday qalab caafimaad loogu tala galay Coronavirus.

Gargaarkan ayaa ah kii u horreeyay ee Imaaraadka Carabta u soo dirto Muqdisho, tan iyo markii uu xumaaday khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka horaantii sanadkii 2018, xilligaasoo dowladda Soomaaliya ku xayirtay garoonka diyaaradaha diyaarad laga lahaa Imaaraadka Carabta oo lacag gaareysa 10 milyan siday, iyadoo dowladdu la wareegtay lacagtaas.

Imaaraadka Carabta ayaa xilligaas ka carooday tallaabada dowladda Soomaaliya ku sameysay diblomaasiyiintooda iyo diyaaradda laga xanibay, waxaana lacagta la qabtay markii dambe la sheegay inay u socotay Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo loogu tala galay mushaaraadka Ciidamadii ay tababareeyn Imaaraadka iyo howlo kale, waxaana markaas wixii ka dambeeyay Imaaraadku joojiyay dhammaan howlihii uu ka waday Muqdisho, sida in la xiray xaruntii tababarka ciidamada iyo isbitaalkii Sheekh Zaaid, sidoo kale Safiirkii Imaaraadka Carabta ayaa ka guuray Muqdisho oo si KMG u degay Nairobi.

Khilaafkii ka dhex qarxay dalalka Khaliijka ayaa saameyn weyn ku yeeshay Soomaaliya, iyadoo markii dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar xiriirka u jareen dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inuu taageero Argagixisada. Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafkaas, inkastoo dowladda lagu eedeeyay inay ka baxday dhex dhexaadnimada, lana jirsatay Qatar oo ay xilligan xiriir weyn la leedahay, markii la dareemay calaamado muujinaya sida ay Qatar ugu dhow dahay.

Ma jirto illaa hada gargaar ka yimid dowladda Qatar oo loogu tala galay ka hortagga Coronavirus, iyadoo Qatar la xusuusto taageerada weyn ee ay siineysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo saddexdii sano ee uu xukunka hayay.