Dowlada Imaaraadka oo soo saartay War-farxad Galinaayo Shacabka Soomaaliyeed!!

Reading Time: < 1 minute

Soomaaliya waxaa ay lumisay saaxiibo muhiim u ahaa  tan iyo markii ay hogaanka dalka la wareegeen Madaxweyne Farmaajo Iyo Milkiilaha Dowladda Fahad yaasiin Xaaji Daahir Iyadoo ay taasi jirta ayeey Dowladda Imaaraadka Carabtu waxaa ay sheegeen ineey adkeeynayaan Midnimadda Umadda Soomaaliyeed.

 Maxamed Ciise  Al-suwaydi  oo ah Danjiraha Imaaraadka uga wakiilka ah daalalka Belgium, Luxembourg iyo EU-da,  ayaa waxa uu sheegay Dowladiisa ay  ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dadka Soomaalida.

Dhinaca kale, Danjiraha Imaaraadka uga wakiilka ah daalalka Belgium, Luxembourg iyo EU-da waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Heshiiskii ay DFS iyo Mamaul-gobaleedyadda kala saxiixdeen bishii December 5-dii ee sannadkii hore, waxa kale oo uu tilmaamay inay taageerayaan qorshaha Horumarinta Qaranka, gaar ahaan sidii Dib-u-habayn loogu samayn lahaa Ammaanka ay DFS ku hawlan tahay.

“Sannadihii la soo dhafaay, Dowladda Imaaraadka waxay had iyo jeer safka hore kaga jirtay dadaalka Beesha Calaamka ee lagu taageerayo Somalia iyo sidii loo soocelin lahaa Nabadda iyo Deganaansha Ummaddooda” ayuu yiri Danjire Maxamed Ciise  Al-suwaydi, oo intaasi ku daray inay somaalia ka taageereen dhinacyadda Tababarka Ciiddamadda, Dhaqaalaha, Loojistikada, Gargaarka Samafalka iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay kaalin Muhiim ah ka qaadataa Howlaha Hormarineed Ee Dalka iyadoo mar-walbo diyaar u ah ineey joojiso adkeeyso amnigga iyo Midnimada Soomaaliyeed Waloow Kooxda Hadda heeysa Hogaanka Dalka Ee Nabad Iyo Nolol aysan rabin Saaxiibo daneeyo arrimaha Soomaaliya oo ay Doonayaan Koox Lacag siisa kheeyraadka dalkana Gurata