Dowlada Imaaraadka oo ka hadashay warbixinta Wargayska NY Times

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo wargayska New York Times uu soo badhigay cadeemo muujinaya in Dowlada Qatar ka danbeeyso Qaraxayada ka dhaca Soomaaliya ayaa Wasiirdul dowlaha Imaaraatiga u qaabilsan Arrimaha Dibada Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay inaan indhaha laga qarsan karin warbixintii Jariirada New York Times oo shaacisay cod sir ah oo laga duubay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya iyo Maalqabeen Qatari ah oo ka sheekaysanaya weerar ka dhacay magaalada Bosaaso bishii May ee sanadkan.

Codka laga duubay maalqabeen Al Muhanadi oo ah nin si aad ah ugu dhaw Amiirka Qatar Sheikh Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Muqdisho ayaa la sheegay inay ka sheekaysanayeen hawlaha ay “saaxiibadooda” ka fuliyeen magaalada Bosaso, gaar ahaan qaraxii bishii May ka dhacay xarunta ganacsiga ee Puntland. Shacabka Soomaaliyeed oo  horay u tuhunsanaa Qatar ayaa codka laga duubay Al Muhanadi u xaqiijiyay in Qatar ku lug leedahay qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

Dowlada Qatar ayaanan beenin jiritaanka cododkooda labada nin ee laga duubay  waxa ay sheegtay in ninka ku hadlaya telefanka uusan u shaqaynin dalka Qatar. Wargeyska New Times ayaa soo badhigay cadeemo in Al Muhanadi uu ka tirsan yahay dowlada Qatar isla markaana la safro Amiirka Dalka Qatar.

Anwar Gargash Wasiirul Dowlaha Arrimaha Dibada ee Imaaraatiga ayaa yiri ” Waa nasiib daro in Qatar ay falal argagaxiso u adeegsaneso Imaaraatiga, waxayna tani cadeyn u tahay inuu ahaa go’aan saxan cunaqabateyntii aan saarnay wadanka Qatar..”

Dowlada Farmaajo ayaa wali difaacaysa danaha Qatar iyada oo ay dowlada laga duubay codka ayan beenin jiritaanka codkaas.