Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa gabi ahaanba ka aamustay hadalkii ka soo yeeray RW Rooble ee uu ku sheegay in la sii deyn doono lacagtii labo sano ka hor laga qabsaday dalka Imaaraadka.
Sidoo kale waxa isna ka gaabsaday inuu ka jawaabin hadalka ka soo yeeray RW Rooble Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Maxamed Uthman oo ku sugnaa halkii uu Rooble hadalka ka soo jeediyay.
Dhanka kale, Safiir Maxamed Uthman oo sanadihii u danbeeyay aan ka soo bixin xaruntiisa ku taalo bada liida ayaa maanta waxaa la arkayay isaga oo kulama la qaadanayay madaxda Dowlad golboleedyada xulufada la ah Dowlada Imaaraadka, Puntland iyo Jubbaland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in aan dowlada Imaaraadka horay loogu sheegin hadalka jeedinta Rooble, mana jira qoraalo dhex maraya labada dal.
Hadalka Rooble ayaa ahaa mid ahaa mid laablakac ah oo aan aad looga fiirsan. Hadii dowlada Imaaraadka ay qayb ka ahaan lahayd qorshaha Rooble waa ay ka mahadcelin lahaayeen soona dhaweyn lahayd talaabada uu qaaday.