Dowlada Imaaraadka oo $11 Milyan ugu deeqday Puntland, waxaana dib loo soo celiyay iskaashiga labada dhinac

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo marayso xili gaba gabo ah booqashadii rasmiga ahayd ee uu Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku joogay dalka Iskutaga Imaaraadkam Carabta, ayaa waxaa labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo toos ah iyada oo aan la soo maraynin Dowlada Dhexe.

Booqashada uu ku tagay Imaaraadka ayaa ahayd mid uu uga jawaabay casuumad ay u fidisay dowlada Imaaraadka. Madaxweyne Saciid Deni oo xukunka kala wareegay Madaxweyne Cabdiwali Gaas horaatii sanadkaan ayaa waxa la soo daristay arimo dhaqaale xumo iyo mashaariicdii ganacsiga oo isa soo xiray.

Labada dhinac ayaa waxa ay kala saxiideen heshiis iskaashi oo toos ah. Dowlada Imaaraadka ayaa waxa ugu deeqaday Puntland $ 11 Milyan oo dollar. Lacagtaan ayaa $8 Milyan oo ka mida waxa ay noqon doonaan kuwa mashaariic ku yimaado halka inta soo haratayna ay noqon doonto lacag cadaan ah oo lagu kabayo miisaaniyada dowlada Puntland.

Dowlada Imaaraadka ayaa hadda waxa ay si toos ah u kabtaa miisaaniyada dowlada Soomaaliland, iyada oo dhanka kale ka wada dalka  Soomaaliland mashaariic dhaqaale oo kala duwan.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu faraha kala baxay arimaha Dowlada Soomaaliya isaga oo hadda xoogiisa isugu geeyay sidi uu dib ugu soo noolayn lahaa dhaqaalaha Puntland.

Xiriirka u dhaxeeya Dowalada Fadaraalka iyo Imaaraadka ayaa aad u xun ka dib markii dowlada Soomaaliya ay lacag gaaraysa $10 Milyan ka dhacday dowlada Imaaraadka. Imaaraadka ayaa dardar galiyay tageerada ay siinayaanaan Dowlad Goboleedka iyo dalka Soomaaliland.