Dowlada Galmudug oo ka hortimid qaraalkii DFS,  kuna tilmaantay sharci daro

Reading Time: < 1 minute

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si xoog euh uga hormtimid qoraalkii halay ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha. Dowlada Galmudug ayaa sheegtay in ay sharci-darro tahay qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee la xiriira doorashada Galmudug.

Madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo la hadlay saxafadda ayaa sheegay in ay diyaarinayaan jawaab ka dhan qoraalka sharci-darrada ah ee dowladda federaalka ah ka soo saartay doorashada maamulka.

Waxaa sidoo kale ka hadlay arintaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo ka tirsan xildhibaannada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug  oo isna sheegay sharc-darro ku tilmaamay qoraalka wasaaradda, isaga oo intaasi raaciyey iney ka hor imaaneyso dastuurka Galmudug iyo midka KMG ah ee Soomaaliya.

“Warqadaas waa sharci-darro, waxaa ay ka hor imaaneysaa dastuurka Galmudug iyo midka Soomaaliya, waxaa ay daba socotaa faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso arrimaha Galmudug, waana waxba kama jiraan”.

Xildhibaanka ayaa ku daray “ Qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah waxaa uu ka hor imaanayaa oo kale heshiiskii Djibouti ee Galmudug iyo Ahlu-sunna, midnimada iyo wadajirka maamulka, waana kala qeybin aad looga xumaado”.

Qoraalkii shalay uu soo saaray Wasiir Sabriye ayaa sii kordhinaya colaada u dhaxeysa Dowlad Goboleedyada ee Dowlada Dhexe.  Qaar ka mida beelaha ku dhaqan Galmudug ayaa ku baaqay shirwayne wadatashi kaas oo looga hadli doono sidii  xal waara loogu heli lahaa isqab-qabsashada ka jirta Galmudug