Dowlada FS oo war ka soo saartay dagaaladii ugu danbeeyay ee lala galay Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Wabxo iyo tuulooyinka hoos yimaada ee Gobolka Galgaduud.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidanka xoogga ay la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof oo dhammaantood katirsan Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalka oo saacado badan socday, isla markaasna ay dhawaan soo gudbin doonaan tirada rasmiga ee dhimashada iyo dhaawaca.

Deegaanka Wabxo iyo Tuulooyin kale ee Ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka la wareegeen ayaa hoos yimaada degmada Ceelbuur oo fariisin muhiim ah u ah Al-shabaab.