Dowlada FS oo sheegtay in la soo afjaray Weerarkii Xarunta Gobolka Banaadir

Reading Time: < 1 minute

In ka badan shan sacadood oo ay Dagaal yahano ka tirsan Al shabaab ka dagaalamayeen Gudaha Xarunta Gobolka Banaadir War ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la soo afjaray Weerarka.

Mas’uuliyiin sar sare oo Maamulka Gobolka Banaadir ah iyo Xubno shaqaalaha Gobolka ka mid ah ayaa weerarka laga soo badbaadiyay.

Sido kale waxaa la xaqiijiyay Geerida Allaha u Naxariistee Agaasimaha Xafiiska Baahiyaha gaarka ee Gobolka Banaadir Axmed Xasan Warsame Jimcaale.

Wasaarada Warfaafinta ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Shan qof ay ku dhimatay weerarkii maanta. Halka Al Shabab  ay sheegteen in labaatameeyo dileen.

Taliyaha Saldhiga Booliska Dagmada Xamar Weyne Najiib Carab ayuu soo gaaray Dhaawac intii uu socday howlgalka waxaana wararku sheegayaan in xabado uu ridaye ay ku soo laabteen.

Dhanka kale Wararka waxay sheegayaan in dad ku dhaawacmay Weerarka la geeyay isbitaalada Magaalada Muqdisho waxaana sido kale jira xubno geeriyooday sida Wararku tibaaxayaan.

Wali Dowlada Soomaaliya war kama aysan soo saarin Khasaaraha ka dhashay Weerarka intaa kaliya ay Xaqiijisay kaliya in la soo afjaray.

Kororka Weerarada Al-Shabaab ayaa noqday kuwo sara u kacay iyada ay xusid mudan tahay in laamaha amaanka Soomaaliya ay markasta muujiyaan Feejignaan dheerad ah.

Tan iyo markii uu bilowday gulufka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda Gobolada Dalka waxay AS Weeraro ay qaadeen ku geeriyooday Mas’uliyiin, Saraakiil iyo Ciidan kuwaas oo muhiim u ahaa Shaqada Qaranka.