Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kasoo degtay diyaarad sidday qaar kamid ah ciidankii iyo shacabkii ku dhaawacmay dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatada ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ayaa billowday gurmad u fidinta dadka ku waxyeeloobay dagaallada ka socdo halkaasi, waxayna dirtay diyaarado soo daabulo dadka qaba dhaawacyada halista ah.
Illaa 50 qof kamid ah ciidankii iyo dadkii ku dhaawacmay dagaalllada Laascaanood ayaa la keenay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay xildhibaan & mas’uuliyiin kale.
Dhaawacyada oo loo diyaariyay gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta ayaa loo qaaday qaar kamid ah isbitaallada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.
Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la keenayo dhaawacyo kale oo laga soo daabulayo magaalada Laascaanood oo ay weli ka taagan tahay xaalad murugsan.
Dowladda federaalka ayaa maalin kahor shaacisay mowqifkeeda, waxayna sheegtay isoo dhaweyneyso rabitaanka reer Laascaanood, ayna sidoo kale garab istaagi doonto.
Talaabada ay qaaday dowada federaalka ayaa waxa shaki ka bax u tahay dad aaminsan in dowlada federaalka aysan taageersanaynin shacabka reer Laascaanood. Waxaana muuqata in dowlada si buuxda u gashay dagaalka ka dhanka ah dowlada Somaliland.