Deegaanka Sool iyo Sanaag ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay buundada isku xidha dalka Soomaaliya, hadii ay buundadaa go’dana waxaa si aan ka laabasho lahayn u go’aysa midnimada umadda Soomaaliyeed.
Baaqii iyo warmurtiyeedkii maanta ay soo saareen waxgadka, dhaqanka, siyaasiyiinta reer Laascaanood waxa uu ahaa baaq loo diray dowlada federaalka Soomaaliya kaas oo ah “waxa aan nahay muwaadiniin Soomaali ah, calanka guduudka ayaanu harsanaa ee nagu difaaca qadiyadaas”.
Nasiib xumo dowlada federaalka Soomaaliya waxa ay go’aansatay inay la safato maamulka gooni isku taaga ee Somaliland. Waxa uuna dowlada uu hogaanka u hayo Madaxweyne Xasan Sheekh lagu soo oogi kara “qiyaano Qaran”. Waaba hadii uu jiro baarlamaan damiir iyo qadiyad ka tarjumaya.
Waxa la gudboon xubnaha damiirta leh ee ka tirsan Golaha Wasiirada dowlada Federaal iyo labada gole in ay si deg deg ah uga soo jawaabaan baaqa ka yimid muwadiniinta Soomaaliyeed ee nool magalaada Laascaanood.
Waqtigaan la joogo waxa qormeysa taariikh xun, taariikhdaasna wax ay ku dul dhacaysaa madaxda hada haysa hogaanka dalka Soomaaliya oo uu u horeeyo Xasan Sheekh.
Macno ma sameeynayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ilaaliyo dareenka iyo fakarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar geele oo la og yahay in uu taageero buuxda u hayo walaaladiisa Somaliland.
W/Q
Muuse Jama oo ku sugan Laascaanod.