Dowlada Federaalka oo si isku mid ah ula hadashay Jan. Xuud iyo Maamulka Hirshabelle

Reading Time: < 1 minute

Qoraal ka soo baxay dowlada federaal ayaa ay Dowlada Federaalka oo si isku mid ah ula hadashay Janaraal Xuud iyo Maamulka Hirshabelle Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u diray Bulshada Reer Beledweyne, kaas oo ku aadan xiisada u dhaxeysa Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaadka janeraal Xuud.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa lagu sheegay in Bulshada Reer Beledweyne looga baahan yahay in ay tabashadooda si nabad ah ku sheegtaan oo ay ka fogaadaan waxkasta oo xasilooni darro keeni kara.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ay socdaan dadaalo wax looga qabanayo xaalada ka taagan Beledweyne si jawi nabadeed loogu wada hadlo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!