Xildhibaan Ibraahim Macallin Aadan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ka dalbaday hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya in ay cadaaladda hor keenaan dadkii ka dambeeyay dilka xildhibaan Ruqiyo oo habeen ka hor lagu diley Muqdisho.
“Dowladda Federaalka, gaar ahaan laamaha amniga waxaan ka dalbaneynaa ka baarlamaan ahaan iney soo qabtaan cid walbo oo ka dambeysay dilka xildhibaan Ruqiya, baaritaanka aan la yareesan” ayuu yiri xildhibaanka.
Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeen kahor waxay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan Ruqiyo oo ka tirsaneyd baarlamaanka maamulka K/galbeed.