Dowlada Fedaraalka ayaa ka hadashay xariga Wasiirka Aminga ee Jubbland Cabdirashid Janan. Sida ay sheegtay dowlada ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa shalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan.
Waxaa arintaan u xaqiijiyay warbaahinta Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo bartiisa baraha bulshda uga hadlay xarigaas. Waxa uu sheegay in uu galay danbiyo kala duwan. Wasiirka ayaa sheegay in Cabdirashiir Janan uu galay demiyo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Dhowr bilood ka hor ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir wax ay laashay Go’aankii dacwada looga gudbiyay Wasiira amniga maamulka Jubbaland iyo amarkii lagu bixiyay la soo qabto,kadib warqad ka soo baxday Bishii April ee sanadkan Maxkamada Gobolka Banaadir.