Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumadda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartay warqad Lagu fasaxaaayo in dowlada Qatar ugaarsato Xayawaanaadka Duurjoogta ah
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa u ogolaaday Safaarada Qatar inay dalka ka dhoofsato Duurjoog.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay in safaaradda Qatar loo fasaxay inay dhoofsadaan 14 xayawaan kuwaasi oo Sagaarada duurjoogta ah, waxaana la sheegay in la baaray caafimadkooda, ayna yihii kuwa Caafimaad qaba.
Inta badan Amiirada wadamada carabta ayaa si weyn waxay caan ugu yihiin ugaarsiga,duurjoogta waxaana hadiyad lagu siiyaa Duurjoog kala duwan, sida ka dhacay Somaliland iyo dalal badan oo Afrikaan, laakiin waa markii ugu horeysay si rasmi ah loogu fasaxo mudooyinkan danbe.