Sida Muqdisho Online horay idinkuugu soo gudbisay RW Kheyre ayaa waxa uu ka codsaday dowlada Canada in uu booqosho ku tago dalkaas. La taliyaha gaarka aha ee Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre, Samira Gaid ayaa waxa ay xiriir la sameeysay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dalka Canada iyada oo ku hadleysa magaca Xassan Cali Kheyre. Waxaa sidoo kale xiriir la sameeyay dowlada Canada Jamal M Xasaan isaga oo la xiriiray xildhibaano ka iyo Wasiiro ka tirsan dalka Canada.
Dowlada Canada oo aad uga warheysa xaalada Soomaaliya iyo dhaqanka beenta salka ku heyso ee Xassan Kheyre ayaa ka qaabsatay in ay qaabilaan ama uu la kulmo madaxda dalka Canada.
Dowlada Canada oo ay ku soo foodleedahay doorasho oo aad loogu kala qaybsan yahay ayaan marnaba ogolaan karin in ay qaabilaan Xassan Kheyre oo ah shaqso shacabka Soomaaliyeed u arkaan danbiile qayb ka ahaa xasuuq badan oo ka dhacay dalka.
Professor David Omala oo wax ka dhiga jaamacada Carleton ee ku taalo magaalada Ottawa ayaa yiri ” .. xiliga doorashada ku soo dhawdahay dalka Canada, madaxda Canada waa ay soo dhaweeyaaan imaatinka siyaasiyiinta dalalka kale sida Soomaaliya si ay cod uga helaan Soomalida ku nool Canada, laakiin shaqsiga imaanayo hadii uu yahay shaqsi ayan jecleynin dadka Soomaaliyeed ee ku nool Canada, waxa uu u keeni karaa siyaasiiyiinta Canada ee isla sawirtaa ama soo dhaweysaa in ay cod ku wayaan” . David waxa uu ku daray ” waxaa iska muuqato in RW Xassan Kheyre yahay shaqsi ayan Soomaalida qadarin u haynin una arkaan in uu dhib ku yahay geedi socodka nabadda ee Soomaaliya”
Jaaliyada Digil iyo Miriffle iyo qaar ka mida eheladii dadkii lagu xasuuqay magaalada Muqadishu ayaa horay qoraal ugu gudbiyay dowlada Canada iyada oo uga digay in ay dalka ku soo dhaweeyaan Xassan Kheyre.
Mid ka mida Jaaaliyada Soomaaliya ee ku nool magaalada Ottawa ayaa u sheegay MOL in hadii uu imaan lahaa Xassan Kheure ay mudahaarad kii ugu waynaa eedib lagu qaban Dalka Canada. Waxa uu yiri ” waxa aan shaki ilga girin in Wasiir Axamed Xuseen uu qaatay go’aan fiican si uu u ilaashado kurisgiisa, hadii uu qayb ka noqon lahaa booqashada Xassan Kheyre dhib badan ayaa ka soo gaari lahaa”.
Diidmada Dowlada Canada ay dalkeeda u diiday Xassan Cali Kheyre ayaa tusaale fiican u ah naceeybka shacabka Soomaaliyeed u qabaan dowlada uu hogaanka u hayo MW Farmaajo. Qaar ka mida qooyska Farmaajo ayaa haysta dhalashada dalka Canada oo ay ku jirto hooyadii hadana dowlada Canada waa ay diiday in ay qaabisho Xassan Kheyre.
Farmaajo ayaa waxaa caalamka looga dirayaa fartiimo kala duwan laakiin waa shaqsi ay ku adagtay in fahamo ama uu talaabo qaado qaladaadka dowladiisa iyo isagaba ku uu ku jiro.