Dowlada Burundi oo Ka Hadashay Weerarki Shalay Lagu Qaaday Ciidankooda oo Marar Inta Udhaxeysa Balcad Iyo Jowhar Maxa Qassaro Ah oo So Garay?

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Burundi oo ciidamadeyda qeyb ay ka yihin ciidanka Amisom ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 5 Askari looga dilay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Burundi waxa ay sheegtay in ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM laga dilay Askartaasi xilli ay doonaayaan in ku socdaalaan wada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo ayaa sheegay in dowladda Burundi ay aad uga naxday geeridda Askartaasi, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka waddaan Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale uu beeniyay in weerarkaasi looga dilay ku dhawaad 20 Askari.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin Gaadiid looga gubay Weerarkii shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Balcad.