Dowlada Burundi oo ka diiday AU in ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya!

Reading Time: < 1 minute

Qaar kamid ah warbaahinta gudaha iyo kuwo caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay siweyn u gorfeynayay war layaab leh oo kasoo yeeray saraakiil kamid ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Si gaar ah waxay aad uga faaloonayeen war kasoo yeeray afhayeen u hadlay ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ah ee AMISOM kaas oo sheegaya in ay ka biyo diideen qorshe lagu dhimi lahaa ciidamada Burundi.

Kolonel Floribert Biyereke oo ah ninka ay warbaahinada dunida soo xiganayeen saacadihii lasoo dhaafay ahna afhyeenka u hadlay ciidamada Burundi ayaa gaashaanka u duruuray qorshe qeexayay in 1,000 oo kamid ah Askarta Burundi ee ka jooga Soomaaliya dib loogu celiyo dalkooda lana daad-gureeyo bisha Feberaayo 28-da ee sanadka 2019.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay afhayeenkan in ay jawaab ka sugi doonaan dowladooda isla markaana ay ka codsan doonaan sidii ay wada-xaajood uga geli lahayeen qorshe cad oo si cadaalad ah  u dhimaya ciidamada AMISOM.

Colonel Floribert Biyereke ayaa weliba si cad u sheegay in diidmadooda ay ku qotonto tirada ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya iyo musuq lagu sameeyo qorshaha lagu dhimiyo ciidamada sida in ciidamada Burundi oo aad uga yar ciidamadooda hadana ciidamada kale ay kala siman yihiin qorshaha 1,000-ka askari ee dal waliba oo qeyb ka ah howlgalka looga dhimayo.

Si gaar ah afhayeenkan ayaa ku andacooday in aan si isku mid ah Ciiddanka dalalka qeybta ka ah AMISOM looga daad-gureeyn Somalia taasoo uu sheegay in qorshaha haatan ee ciidamadadooda ee 1,000 askari looga daad guraynayo Soomaaliya uu beegsi ku yahay ciidamada Burundi ee kamid ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.