Dowlad wada shabaab ah Iyo Shuyuukh u Fadwoota.

Reading Time: 2 minutes

Lataliyihii hore ee Wasaaradda Amniga Cabducaziz Xildhibaan ayaa bilaabay inuu soo bandhigo xog badan oo ku saabsan dadka shabaab u shaqeeya ee dawladda iyo maamulka gobolka Banadir lagu tallaallay. Waxaa uu bartiisa Facebookka  bilaabay inuu shakhsi shakhsi u magacaabo shaqaale ka shaqeeya hay’adaha dalka oo uu isagu ogaaday xelligii uu lahaa awoodda gaarista xogaha qarsoon ee ay madaxdu is dhaafsato.

Waxaa uu saaka soo qoray inay jiraan xubno lagu qoray amar RW kheyre  Iyo kuwa habeenkii la qoro inay ka mid yihiin Alshabaab. Xildhibaan waxaa uu qoray qoraalkan hoose: Gabadhan lagu magacaabo Faadumo Xussein Cali Caddaawe waxay shaqaale ka aheyd ururka haweenka QARANKA waxayna xubin firfircoon ka aheyd ururka SHABAAB.
Waxaa lagu qoray amarkii dhawaan uu soo saaray ee Ra’iisul wasaare Xassan Kheyre ee farayay maamulka gobolka Benaadir in ay shaqo siiyaan 1,000 dhallinyaro ah.
Dhinaca kale dhallinyarada loo qorayo habeenkii ciidamada kana socota hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda NISA ee uu madaxda ka yahay FAHAD YAASIIN waxaa ku jira xubno ka tirsan SHABAAB oo Muqdisho loo keeno in ay howlo u qabtaan ka dibna ku laabtaan kooxda ARGAGAXISADA ah ee Al SHABAAB.” Halkaan ka eego
. Sidoo kale waxaa uu qoray in macalimiin iyo shaqaale kalaba ay oo wax dhiga xaruumaha waxbarashada dalka inay xubno firfircoon ka yihiin Alshabaab, taas oo keeneysa in dhallinyaro badan ay sidaas uga mid noqdaan Alshabaab iyagoo waliba la sheegay in la khasbo kuwa diida oo loogu hanjabo in waxbarshada laga eryayo ama iyaga ama waalidkood dhibaato loo geysanayo, iyadoo “Ilaahay loogu dhowaanayo tallaabadaas guracan”.

Dhinaca kale Sheekh Xasaan Xuseen oo fadhigiisu yahay magaalada Nayrobi ayaa waxaa uu sheegay in dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay ex-kontrol Afgooye ay dhammaantood ahaayeen MURTADIIN Rabbi iyo Rasuul ka furtay marka laga reebo afar arday oo laba dhimatay, labana dhaawaacantay. Sheekha oo la hadlayey dad Somaliyeed oo u muuqday inay xertiisa yihiin una jiibinayey hadalka ayaa ugu baaqay inay shabaab dadka xoog u dilaan si looga cabsado. Waxaa uu yiri AMISOM waa laga cabsadaa marka PMka dadka Somaliyeed ku rido oo wax lagama sheegi karo. Sheekh Xasaan oo u muuqda inuu dalka Kenya iyo hay’adaha caalamiga ka haysto shahaaddo uu ku oran karo erayo dagaal gelin joogto ah (Constant Incitements) iyo banneynta dhiiga islaamka ayaa mar waliba ku hadla erayo laga naxo oo mararka qaar laga cabsado.

Dad badan ayaa qaba haddii qof kale uu sidaas u hadlo aanuba saacado sii joogeyn, balsa ay jirta sabab qarsoon oo sheekh Xasaan Xussen u fasaxeysa inuu sidaas u dhaqmo, ugu yeero shabaab inay dadka argagax geliyaan si looga cabsado. Ma la fahmi karaa falal intaan ka arxan daran oo shabaab u dhiman oo uu Sheekh Xasaan farxi lahaa?