Dowlad Soomaaliya oo Tacsi udirtay dad ku dhintay Tanzania

Reading Time: < 1 minute

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa Tacsi  garabgal ah loogu diray Xukuumadda iyo Shacabka dowladda Tanzania oo musiibo ku dhacday.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa u qornaa sidan:-

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka saaxiibka ah ee Tanzania kadib markii doonida magaceedu yahay MV Nyerere ku degtay harada Victoria shalay oo khamiis ahayd, kuna beegnayd (20 September), iyadoo siday boqolaal rakaab ah, waxaana ku geeriyooday dad ka badan 100 ruux, halka kuwa kale la la’yahay.

” Fekerkayaga iyo garab-galkeena waa mid la socda qoysaska iyo shakhsiyaadka dhacdadan naxdinta leh ay ku yeelatay saameyn”

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si hubaal leh u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Tanzania waqtigan adag ee xaaladda la soo gudboonaatay

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!