Dowlad goboleedyadda oo aqbalay kulankii Baydhabo! Sabab? 

Reading Time: 2 minutes
Madaxda dowlad goboleedyadda ayaa ka soo horjeestay kulankii Amniga Qaranka ee la qorshaynayay in uu qabsoomo labo bilood ka hor.  Dowlad goboleedyadda ayaa ku heshiiyay in ayan marnaba ogolaanin in kulankaas qabsoomo iyaga oo ku eedeyay dowladda dhexe in ay jabisay dhamaan heshiisyadii horay loogu heshiiyay! 
Madaxwyne Farmaajo ayaa u xilsaaray in RW Kheyr in uu  hogaamiyo wada  xaajoodka madaxda dowlad goboleedyadda laakiin dhamaan madaxda dowlad goboleedyadda waa ay diideen in ay la Hadlaan RW Kheyre iskaba daa in ay la furaan wadaxaajood.
Farmaajo oo dareemayo bahdilka lagu sameeyay isaga iyo dowladiisa ayaa waxaa uu kulan la qaatay beesha caalamka waxa uuna u sheegay in ay dhib ka haysto wada shaqaynta isaga iyo dowlad goboleedyada waxa uu ku yiri “Waxaan ka codsanay in aa kula kulano  baydhabo markii uu socday shirkii baydhabo waa ay diideen, mar kale waxaan ka codsanay in xamar la isugu yimaadaan kaasna waa ay diideen mar sadaxaad ayaanu ka codsanay in meesha  ay rabaan in aan kula kulano iyada waa a diideen”
Ugu danbaybtii beesha caalamka ayaa ka codsatay in uu dhaco kulankii Amniga Qaranka kana dhaco baydhabo dowlada dhexena ka soo qaybgasho! 
Madaxda dowlad goboleedka ayaa balan qaaday in kulankaas noqon doono mid iyaga iyo dowlad dhexe xiriirka kala goostaan ama uu noqoto mid lagu heshiiyo.
Dad badan ayaa qaba in nuxurka ugu wayn noqon doono in dowlad hada jirta la kala diro oo RW Wasaare cusub oo ay la shaqayn karaan uu Farmaajo soo magacaabo oo baal cusub lawada furto iyo ka noqoshadda gudoomiyaha maxkamadda sare ee dhawaan la magacaabay oo ku yimid si sharci daro ah isla markaana aan ku imaan wadatashi.
Qaar ka mida hogaanka dowlad goboleedyada ayaa sheegay in shirka baydhabo noqon doono mid cashar loogu dhigo dowladda iyo hogaanka Farmaajo.
Hadii Farmaajo shirkaas uusan la
Imaan talo cusub oo ay u horeeyso in uu ka taqaluso RW kheyre Soomaliya waxa ay galaysaa marxalad cusub oo keeni karto in dowlad hada jirtaa burburto.
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!