Dorashada Kursi Ka Bannaanaa Golaha Shacabka oo Ku Sigtay In Gacmaha La Iskula Tago & Odayal Ka Carooday Lacag Madaxtoyada Ka Timid

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilaabatay manta xili si horeysay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu ka geeriyooday Xildhinaan Saciid Xasan Geedi,waxaana isla Maanta la filayay in ay dhacdo doorashada si booskaas banaan loo buuxiyay.

Kursigaan ka banaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartami lahaa laba musharax oo kala ahaa C/raxmaan Axmed iyo Musharax Fataax Saciid Xasan balse waxaa la sheegay in lagu kala tegay.
Waxa la shegay in muran uu dhex maray ergada dhexdooda oo ay ku kala aragti duwanaden sida ay wax usocdan,iyado ay buuqaasi ay sababtay in ergada qaar ay isaga baxaan halka doorashada ay ka dheceysay.

Gudiga aya la shegay in ay hakiyeen dorashada iyado dib loo dhigay dorashada kursigaasi oo manta qorshuhu aha in lagu kala baxo.
Warar hoose oo an helnay aya shegaya in xubno ka socdo madaxtooyada ay halkaasi ka bilabeyn rabshad iyago ergada iskaga horkenay lacago ay donayen in kuso saran mid ka mid ah musharaxiinta halkaasi ku lolamayay.