Doorashooyinka Puntland maxaa kusoo kordhay!!

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashadda guddoonka Baarlamaanka Puntland oo lagu waddo in ay Garowe ka dhacdo maalmaha soo socda.

Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada ku sugan Musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Puntland.

Ku dhawaad 30 Musharax ayaa ku loolamaya xilka Madaxweynaha, waxaana ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu Afduubtay hanaanka doorashadda iyo waliba Guddiga xalinta Khilaafaadka.

Madaxweyne Gaas ayaa wali bilaabin Olole Muuqda, waxaana labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku sugnaa degaano ku yaalla gobolka Mudug.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!