Doorasho Maanta La Filayo Iney Ka Qabsoonto Magaalada Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa goordhow lagu waddo in ay ka bilaabato doorashadda Duqa cusub ee Magaalada Garowe.

Doorashaddan ayaa ah mid xiiso badan leh, waxaana ku tartamaya labo Musharax oo ka mid ah dadka sida weyn looga yaqaano Garowe.

Labada musharax mid walba waxa uu sheegay in uu wax ka qabanayo amniga magaalada iyo muranka dhulka oo ah labo arrimood oo Garowe ka taagan, waxayna khudbadooda rasmiga ah maanta ka hor jeedin doonaan golaha deegaanka cusub.

Golaha degaanka degmada Garowe ayaa dooran doona Gudoomiyaha Magaalada iyo ku xigeenkiisa.

Axmed Siciid Muuse oo loo yaqaanaa (Axmed Barre) iyo Axmed Abshir Jaamac oo loo yaqaan (Bakuuke) ayaa ku tartami doona Guddoomiyaha Magaalada Garowe .