Run ahaantii waa wax bogaadin mudan Doorashada degaameedka laga qabtay Puntland, waxayna tilmaameysaa in dalka Somaliya la soo gaarsiiyey meelo kamid ah in ay dadka hogaamiyayaashooda siyaasadeed dooran karaan.
Dooddu hadda maahan ma sax baa misa waa khald inla qabto ama si sax ah ma u dhacday misa waa lagu shubtay oo barakacayaasha ayaa lagu takri falay sida ay dadka qar ku doodayaan.
Laakiin waxaan rabnaa inaa si qaran ah arrinka u fiirinno oo aan u taxliilinno inay ahayd mudnaan xelligaan doorasho dhowr degmo oo dalka ka mid ahi si goonni ah looga qabto iyadoo dalka uu dagaal kula jiro kooxaha khawaarijta ah.
MOL waxay isku dayday bal inay ogaato aragtida runta ee ay shacbiga ka qabaan, waayo siyaasiyiintu ma noqon karaan halbeeg acabir waayo inta badan waxay ka fiiriyaan dantooda iyo waxa iyaga ugu jira. Tusaale waxaa ku ah inuu Farmajo oo doorasho diid caan ku ah taageeray isagoo tiisa ka dhex fiirsanaya. Sidoo kale kuwa badan oo Socid Deni la dagaalsan inay qaadaceen doorashada.
Haddaba, annagoo intaas og oo aan wax ku qaadaneyn ayaan shacbiga iyo aqoonyahannada siyaasadda falanqeeya ee aan dano gaar ah ka la hayn doorashada weydinnay aragtidooda.
- Dhammaantood waxay isku raacen inay khalad tahay inuu Siciid Deni Puntkand ka reebo madasha lagu gorfeynayo mustaqbal dalka oo ay ka wada qeyb galayaan dhamaan madax Dowlad-Goboleedyada dalka oo kii ugu dambeeyey uu hadda ka socda Xamar. Siciid waxaa uu dadka Puntland ka galay laba khalad oo kala ah inuu ka reebay inay kaalinteeda hogaamineed ka qaadato shirarka madasha wadatashiga qaran iyo inuu putnlad u diiday xaq ay lahayd oo ah inay joogto goobta lagu karinayo arrimha mustaqbalka dalka. Ujeedada uu doorashadaan ka leeyahayna ay tahay inuu dadka reer Puntland u diyaarsado siduu isaga rabo ugu shubaan doorashada Madaxweynaha iyo tan barlamanka oo ku soo socota, walow uu u muuqdo qof aan aqoon reer Puntland oo mar waliba uu qaran Somaliyeed muhiim u yahay .
- Dalka waxaa ka socda dagaallo lagula jiro Shababka oo hadda isku urursaday gobollada koofureed kadib markii laga xoreeyey inta badan gobollada dhexe, taas oo haddii dagaal looga qaado koofurta ay jirto cabsi weyn inay u wareegi karaan Puntland iyo Buuraha galgala oo ay haddaba Daacish joogto. Haddaba Siciid Deni oo ay ahayd inuu ku mashquulo sidii hawlahaas loo wajahi lahaa wuxuu ku mashquulay doorashada dowladaha hoose oo laga qabanayo degmooyin gaar ah oo aan dalka oo dhan ahayn.
Sidaas darted, cid kasta oo aan la hadallay oo aan siyaasi damac wado iyo qof iska jibbeysan ahayn waxay noo sheegeen inay jirto cabsi oo xataa ay suuragal tahay in najiitada la isku qabsado, halkaasna ay ka bilaaban karto colaad dhib geysan karta oo sii kala fogeysa dad walaalo ah oo qarniyaal isla noolaa.
Siyaasiyiinta siyaadda ku soo galay xooga oo qoriga lagu kabay siyaasinimadooda ee aan midkoodna uu aqoon siyaasadeed oo dib loo raaco lahayn iyo Danley ganacsato u badan waxay dadka Somalida ka lumiyaan waxa hortabinta u leh.
Somalida maanta hortabin uma laha degmo kaligeed doorasho laga qabtaa, mana badaleyso xaaladda nololeed ee dadka Somaliyeed xataa degmadaas, waayo waxaa khibrad loo leeyahay Somaliland oo ilaa 2000 qabaneysay doorasho dadweyne waxba iskama badalin xaaladda guud ee dadka weliba waxay keentay musuqmaasuq kii ugu weynaa oo waxaa hadda aad loo hadal hayaa inay hal reer iska qabsadeen weligoodna ay joogayaan oo waa la I doortay ayey leeyihiin, waa shaati nin gashan uu toshay.
Muhimadda maanta dadka Somaliyeed waa in:
- Dalka laga xoreeyo Shabaab.
- Distuurka la Dhameystiro.
- Deynta la cafiyo.
- Dadka Somaliyeed la tiriyo
Kadibna loo dareero doorasho qof iyo cod ah oo hal mar laga wada qabto degmo kasta oo dalk ah.
Waana sababta ay hadda u socdaan shirarka Madasha qaran ee uu Siciid Puntland u diiday inay ka qeybgasho, iyadoo ay hadhow adkaan doonto inay diido waxa ka soo baxa waayo dalku waa dimoqraadi cod dheeri ayaana mar walba lagu kala baxayaa.
Aqoonyahan reer putnlad oo magciisa ku soo koobay Oday ayaa yiri “ Walaalle Doorasho ma aanu diidanin ee Dariiq xun inay nala madhaanu diidan nahay oo uu Deni Dab nagu shubo”