Doorashadii oo socota iyo Rooble oo ku fashilmay in Xil. Ceelwaaq doorashada qayb ka noqdaan

Reading Time: < 1 minute

Waxaa goordhow Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka billaabatay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada Hoolka ku sugan ayaa tiradoodu tahay 257, kuwaasi oo Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka uu sheegay in aysan 17 kamid ah Coddeyn doonin.

16 Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq oo hoolka ku sugan ayaa loo diiday in ay Coddeeyaan. Arintaan oo ahayd sababta keentay in doorshada dib u dhacdo ka dib markii  Rooble uu wacad ku maray in xildhibaanadii uu  isagu sharciga siiyay ay caawa ka qayb galaan doorashada.

Waxaa hada socda Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo aad u adag, isla markaasna ay u sharraxan yihiin Musharixiin gaareysa 7 musharax. Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka,, Maxamed Mursal ayaa isaga haray tartanka Doorashada.