Doorashadii Aqalka Sare ee Hirshabelle oo maanta la soo afjarayo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee caasimadda Gowlad Gobaleedka Hirshabeelle  maanta lagu  soo doorto Labadii kursi oo qeyb ka ah kuraasta Aqalka sare Hirshabeelle uu ku BJFS. Doorashada Kuraastaan dhiman ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin kor u dhaafaya illa iyo 5 musharax, kuwaas oo doonaya in ay ku guuleystaan mataaladda Aqalka Sare Hirshabeelle.

Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay Maamulki seddaxaad ee si rasmi ah u soo dhameystirayo kuraastiisa Aqalka sare. Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guuleed Xuseen ayaa horay loogu aamaanay in aanu madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada kale ee dalka uusan kuraasta Aqalka sare u xirin musharixiin gaar ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!