Waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo lagu balansan yahay inay dhacdo 17-ka bisha November, sida uu qorshaha yahay.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa gaaray dhammaan musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyada oo sidoo kale ay harsan yihiin musharaxiin kale.
Walaaca ugu badan ee hada la muujinayo ayaa ah in ilaa hadda in aanan laheyn guddiga doorashada ka shaqeyn lahaa, maadaama waqtiga doorashada loogu tala galay inay dhacdo ay soo dhawdahay.
Xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii Sagaalaad ee dalka kana soo jeedo degaanada Koonfur Galbeed Siidow Maxamed ayaa waxa uu sheegay walaaca ugu badan ee hada la muujinayo inuu yahay inaan laheyn guddiga doorashada.
Wuxuu kaloo sheegay hadii aanan la helin guddiga doorashada maalmaha soo socda inay suuragal tahay in madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu sameysto waqti kororsi.