Doorashada Madaxweyne bedelo Ahmed Ducaalle geelle Xaaf oo Cadaado lagu qabanaayo!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka aynu ka heleeyno Magaalada Cadaado Ee Gobolka galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qabanqaabada Doorasho Madaxweyne taasi oo Lagu doonaayo in Lagu doorto Madaxweyne bedelo Ahmed Ducaalle geelle Xaaf

Magaalada Cadaado oo xarun u ah garab kamid ah maamulka is khilaafsan ee Galmudug ayaa waxaa ka socda qaban qaabada Doorasho la sheegay in lagu dooranayo Madaxweynaha maamulkaasi.

maalmaha soo aadan ayaa la filaya in cadaado ay ka qabsoonto doorashada madaxweynihii badali lahaa axmed ducaalle gelle xaaf.

madaxda ugu sareysa maamulka galmudug ayaa ka dhex bixi la is qabqabsi siyaasadeed oo ku aadan dhanka awoodaha maamul.